Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la qaatay hay’adaha amniga qaranka iyo gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiska Amniga Qaranka, hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda Booliiska, Nabadsugidda, Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Amniga Qaranka ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muqdisho gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan iyo sidii guud ahaan ammaanka loo adkeyn lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray mas’uuliyiinta in ay hay’adaha amniga qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir la yimaadaan feejignaan dheeri ah.

PUNTLAND POST