Roobabka gu’ga oo hakad geliyay isu socodka Laamiga Garoowe iyo Gaalkacyo

Isu socodka gaadiid Laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa maanta hakad galay kadib roobab mahiiggaan ah oo xalay ka da’ay hawdka degmada Buurtinle.

Roobabka oo mir iyo mayay-ba leh ayaa mawjado daadad ah ku fatahay jidka laamiga ah taas oo hakad gelisay isu socodka gaadiidka isaga goosha bari iyo Koonfur.

Daadadka ugu xooggan ayaa ku rogmaday degaanka Jalam oo ka tirsan degmada Buurtinle waxaana sida la sheegayo ka dhashay khasaare hantiyeed oo kala duwan.

Roobabka gu’ga oo si galgaal-bax ah uga curtay dhulka hawdka ah ayaa weli ka sii da’aya miyiga u dhow magaalada Buurtinle.

PUNTLAND POST