Booliska Gobolka Banaadir oo sheegay in ay qabteen Ciyaal-weeradii ugu badnaa

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiradii ugu badnayd ee Ciyaal-weero ah.

War ka soo baxay Taliska Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ka sameeyeen Ceelasha Biyaha lagu soo qabtay raggaas.

Kooxaha gacanta lagu dhigay ayaa sida Boolisku sheegay ku hubaysnaa Tooreyo iyo Baangado ay ku dhibaateyn jireen shacabka.

Taliska Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in kooxaha la qabtay dhammaantood lagu xiray saldhig ku yaalla Ceelasha Biyaha.

PUNTLAND POST