
Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ayaa warbixin cusub ka soo saartay xogta barakacayaasha Laascaanood.
Warbixinta Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ayaa lagu sheegay in barakacayaal cusub oo ka soo cararay colaadda Laascaanood ay gaareen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ay deeq-bixiyaasha ku gacan-siinayso taakulaynta shacabka u bara-kacay degaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
Somaliland ayaa sidoo kale xustay in ay samaysay nidaam fududaynaya in dhammaan hay’aduhu si sahlan u caawiyaan barakacayaasha Laascaanood.
Dhinaca kale, SSC-Khaatumo weli kama jawaabin warbixinta ku saabsan xogta barakacayaasha Laascaanood ee Somaliland soo bandhigtay.

PUNTLAND POST