Puntland oo saaka dil toogasho ku fulisay shabakado ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish

Dowladda Puntland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shabakado ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa subaxnimadii hore ee saaka dil toogasho ah ku fulisay xubnahaas sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda.

Lix askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda laguna helay dilalka askar iyo saraakiil kale ayaa sidoo kale saaka lagu fuliyay dil toogasho ah.

Tirada guud ee xukmanayaasha la toogtay ayay maxkamaddu ku sheegtay 19 qof oo 13 kamid ah ay yihiin Al-shabaab iyo Daacish.

PUNTLAND POST