Baarlamanka Soomaaliya ayaa cod-aqlabiyad leh maanta ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta (Data Protection Law).
Waa markii u horraysay oo Soomaaliya yeelaneyso sharci muwaaddinka u ilaalinaya xogtiisa gaarka ah, xaqna u siineya in uu maxkamad la tiigsado ciddii faafisa, ogolaansho la’aan.
Bil ka hor ayey ahayd markii la sameeyey xafiiska ilaalinta xogta oo hadda u dallacay ‘Hey’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed’.
Burburkii ka dib waxa xogaha dalka badi haya, hey’ado iyo shirkado gaar ah.
PUNTLAND POST