
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan gaar ah kula yeeshay wasiirka maaliyadda dowladda Qatar Cali bin Axmed Al-kuwari.
Shirka ay yeesheen wasiirka maaliyadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Qatar ayaa looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada barnaamijka deyn cafinta dalka.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Qatar warbixin ka siiyey heerka uu marayo hannnaanka dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya iyo dadaalada deyn cafinta.
“Waxa aan ka wada hadalnay arrimo badan oo quseeya Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya waxaana ka mid ahaa qorshaha dib u habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya ”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi
Wasiirka maaliyadda Qatar ayaa soo dhaweeyey dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u habeynta maaliyadda iyo dadaalada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.
PUNTLAND POST