14 qof oo ku dhintay duufaan ka dhacday Madagaskar iyo Mozambique

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay, 7 ka mid ah ayaa ku dhintay Madagaskar, halka 7 ay ku dhinteen Mozambique, ka dib markii ay duufaan ku dhufatay deegaanada dalalkaasi .

Tirada dadka ay saameysay duufaanta Freddy ayaa gaartay 383,000 -,iyadoo  Madagascar  ay ku barakaceen 226,000,halka Mozambique la sheegay  163,300 , sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay.

In kasta oo xoogga Duufaanta Freddy aysan ahayn sidii la filaayey, haddana,boqollaal kun oo qof ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo.

Soo kabashada waxay qaadan doontaa bilo,” Pasqualina Di Sirio, oo ah wakiilka barnaamijka cuntada adduunka ee Madagascar ayaa u sheegay BBC.

PUNTLAND POST