Wararkii u danbeeyay ee rasaas xooggan oo laga maqlayo gudaha Taliska Gooja-cadde

Rasaas xooggan ayaa saacadihii u danbeeyay laga maqlaya gudaha Taliska Gooja-cadde ee duleedka Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde ayaa rasaastaas ridaya sida wararku sheegayan.

Weli ma cadda in rasaastaasi tahay iska hor-imaad ka dhex qarxay ciidamada Somaliland iyo in ay tahay xeelad dagaal oo lagu mashquulinayo xoogagga SSC.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay jab xooggan kala kulmay dagaalkii u danbeeyay ee ka dhacay Laascaanood.

PUNTLAND POST