Dowladda Maraykanka oo si adag uga hadashay dagaalka Laascaanood

Dowladda Maraykanka ayaa mar kale si adag uga hadashay dagaalka iyo duqaymaha ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu canbaareeyay weerarrada aan loo meel dayin ee ka socda Laascaanood oo ay ku dhinteen dadka rayidka ah islamarkaana ay ku bara-kaceen in ka badan 185,000.

Dowladda Maraykanka ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaalka waxaana ay sheegtay in kuwa ka danbeeya lala xisaabtami doono sida ku cad war-saxaafadeedka.

PUNTLAND POST