
Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa baaq u diray in ka badan 2 milyan oo qaxooti ah oo dalkaas u dhashay inay dalka dib ugu soo laabtaan, qaxootigaas ayaa ku sugan xeryo ku yaalla dalalka deriska la ah South Sudan.
Salva Kiir ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso inay qaxootigaas u fududayso, ammaanka ay u baahan yihiin.
Waxaa jira in ka badan 2.3 milyan oo qaxooti ah oo dalkaas u dhashay oo ku nool xeryaha qaxooti ee kuyaalla dalalka Kenya, Uganda iyo Masar.
Madaxweyne Kiir ayaa sheegay in dib u soo celinta qaxootigani ay mudnaanta koowaad u tahay xukuumaddiisa.
Madaxweyne Kiir ayaa hadalkan sheegay xilli uu booqasho ku tegey xero ay ku sugan yihiin barakacayaal kala duwani.
PUNTLAND POST