
Ciidamada Somaliland ayaa mar kale saaka duqaymo aan kala sooc lahayn ku garaacaya magaalada Laascaanood.
Goob-joogayaal ku sugan Laascaabood ayaa soo sheegaya in weli duqaymo xooggan lagu garaacayo xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Subaxnimadii hore ee saaka lama soo werin dagaal toos ah waxaase sii socda madaafiicda ku hoobanaya gudaha Laascaanood.
Madaafiicda ayaa sababay khasaare iyo burbur waxaana la sheegayaa in goobaha qaarkood uu dab ka kacay.
PUNTLAND POST