
Guddiga Qaran ee la dagaalanka Lacag Dhaqidda iyo ka hortagga Maalgelinta Argagixisada ayaa faray Shirkadaha Isgaarsiinta inay diiwaangeliyaan macaamiisha qaadanaya Sim Kaarada Cusub, ugu yaraan laga qaado sawir iyo farro, kuwa hore u qaatay Sim kaarada in dib loo diiwaangeliyo muddo 90 cisho.
Sidoo kale waxaa la xadiday lacagaha lagu diro Taleefanada (Mobile Money) dhaq dhaqaaqyada maalinlaha uusan ka badnaan $300 (Sadeex Boqol oo dollar).
Warsaxaafadeed ay guddigan soo saareen ayay ku sheegeen inay dowladdu la wareegeyso si waafaqsan sharciga ka hortaga lacag dhaqida & La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada, hanti kasta oo lala xiririyo Alshabaab, isla markaana xayiraad safar ayay kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la leh Shabaab.
Guddigan ayaa sidoo kale kusoo rogay shirakadaha ganacsiga, dadka ka ganacsada dhulalka & dhismayaasha inay iska diiwaangeliyaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh muddo sadex 3 usbuuc gudahooda ah.



PUNTLAND POST