Urur siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland- PYPA ayaa digniin ka soo saaray diiwaan-gelinta doorashooyinka lagu muransan yahay ee Puntland
Bayaan ka soo baxay Urur siyaasadeedka Dhalinyarada ayaa si adag uga digay dhibaatada ka dhalan karta is diiwaangelinta Hubaysan ee Xukumadda Puntland waddo si loo hirgeliyo doorashooyinka qof iyo cod.
“Urur Siyaasadeedka Dhalinyaradda Puntland- PYPA wuxuu ka digayaa dhibaatada ka dhalan karta is diiwaangalinta Hubaysan ee Xukumadda Puntland wado iyo Colaada laga hurinayo Caasimadda Puntland taaso khatar galin karta Amniga Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka.
Baaqa Urur siyaasadeedkan ayaa ku soo beegmay xilli xalay Ciidamo ka tirsan Puntland ay digniin ka soo saareen diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod.

PUNTLAND POST