Hay’adda denbi-baarista ee FBI ayaa markale Arbacadii waxay baaris ku samaysay guriga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka ee Joe Biden sida ay qortay VOA-da.
Qareenkiisa gaarka ah ayaa sheegay in aan saraakiisha FBI aanay guriga ka helin wax waraaqo ah oo sir ah oo cusub, hase ahaatee ay qaateen agab kala duwan si ay ugu sameeyaan baaris dheeri ah.
Qareen Bob Bauer ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in baaritaanka guriga madaxweynaha oo ka kooban saddex dabaq, inuu socday laga bilaabo 8:30 subaxnimo illaa duhurnimadii Arbacada, arrintan oo ku timi wada-shaqayn dhex martay hay’adda FBI iyo qareennada madaxweynaha.
Baaritaanka guriga gaarka ah ee Joe Biden ayaa daba socday, baadhitaanno hore oo lagu sameeyey xafiisyadiisa iyo weliba gurigiisa oo hore loo baadhay oo laga helay waraaqo “sir ah” oo goobahaas la geeyey xilligii uu Joe Biden ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka.
PUNTLAND POST