
Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay saddex kale oo laba askar yihiin waa ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay degaanka Kala-bayr ee Gobolka Bari.
Dhaawacyada oo sida la xaqiijinayo qaarkood culus yihiin ayaa loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso.
Xogaha kala duwan ee laga helayo degaanka ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhacay goob meherad ah uu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso.
Wararku waxay sheegayaan in qaraxaas oo aysan weli jirin cid sheegatay uu sidoo kale sababay dab ka kacay goobta.
PUNTLAND POST