Shirweynaha Aaya-ka-tashiga Gobollada SSC ayaa lagu wadaa in uu Saaka oo Sabti ah ka furmo magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Shirkan waxaa ku kulmaya Hoggaanka Isimada Dhaqanka ee ugu sarreeya Beelaha SSC oo dhammaantood ku sugan Laascaanood si ay uga taliyaan Masiirka Shacbiga Gobolladan.
Shirka Isimada ayaa ka dhashay Kacdoon mudda bil ah ka socday magaalada Laascaanood kaas oo lagu dalbanayay in Somaliland isaga baxdo Gobollada SSC.
Bilowgii Kacdoonka waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo Ciidamada Somaliland gaarsiiyeen Rayidka aan hubaysnayn.
PUNTLAND POST