Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu laayay duqayn ka dhacday duleedka Xarardheere

Dagaallamayaal ka tirsanaa Al-shabaab ayaa maanta lagu laayay duqayn ka dhacday degaanka Miiroon ee duleedka degmada Xarardheere.

In ka badan 50 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu laayay duqaynta sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Tahliil Biixi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa iska kaashaday duqeynta sida laga soo xigtay Taliyaha Ciidanka dhulka XDS.

Gen. Biixi ayaa sidoo kale sheegay in gebi ahaanba degaankaas Miiroon ay la wareegeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug.

PUNTLAND POST