
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa maanta magaalada Boosaaso kula kulmay madax ka socotay hay’adda UNHCR.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in wasiir Juxaa uu Boosaaso ku qaabilay madaxda Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha qaxootiga oo ay hogaaminaysay madaxda Hay’adda UNHCR ee Puntland mss Monica.
Wasiirka iyo madaxda Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee qaxootiyada, barakacayaasha iyo qulqulka muhaajiriinta soo gala gudaha Puntland sida lagu sheegay qoraalkaas.
Sidoo kale, waxaa looga wada hadlay kulanka mashaariicda kala duwan ee ay hay’adda UNHCR ka waddo Puntland, sida la i saga kaashan karo kaalmada iyo maareynta qaxootiga iyo magangelyodoonka ku nool gudaha Puntland.
PUNTLAND POST