
Kooxaha lala xiriirinayo maandooriyaha Khamriga ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya magaalada Garoowe.
Kooxaha oo ku hubaysan qoryaha fudud iyo ciidanka Booliska ayaa mararka qaarkood habeenkii ku dagaallama xaafadaha Garoowe.
Xalay oo u danbaysay waxaa Garoowe laga maqlay rasaas dhexmaraysay Booliska iyo kooxahan taas oo waxyeello gaarsiisay gurya ay deggan yihiin dad shacab ah.
Wararka ayaa sheegaya in kooxaha qaarkood ay ka tirsan yihiin ciidamada Puntland gaar ahaanna Daraawiishta.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa hore ugu eedeeyay ciidamada Puntland qaarkood in ay ka ganacsadan maandooriyaha Khamriga.
PUNTLAND POST