Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in la soo af-jaray weerarkii maanta Al-shabaab ku qaadday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas la soo af-jaray kadib markii dhammaantood la dilay dagaallamayaashii weerarka soo qaaday.
Dowladda ayaa sheegtay in lix ka tirsan dagaallamayaasha Shabaab oo isku ekaysiiyay Ciidamada dowladda ay lug ku yimaadeen Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir kadibna weerarka fuliyeen.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in shan ruux oo shacab ah ay ku dhinteen weerarka halka afar kalena ku dhaawacmeen sida ku cad Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta DFS.

PUNTLAND POST