Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Xogaha laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda uu ku sii jeedo magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida wararku sheegayaan Baydhabo kaga qayb-galay Shirka Dib u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo halkaas ka furmaya.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu u horreeyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.
PUNTLAND POST