Danjire Cawad: Diiwaan-gelinta laga wado Puntland waa mid sharci-dardo ah

Siyaasi Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin diiwaan-gelinta doorashooyinka qof iyo cod ee laga wado qaar kamid ah degaannada Puntland.

Danjire Axmed Ciise ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in diiwaan-gelinta laga bilaabay Puntland ay tahay mid sharci-darro ah oo laga leeyahay ujeedooyin gurracan.

“Annagu waxaan u aragnaa in diiwaan-gelintaas aysan sharci ahayn in aysan wax wanaag ah soo kordhin doonin waxayna u eg tahay diiwaan-gelin ujeeddo kale laga lee yahay” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Danjire Cawad ayaa sidoo kale sheegay in diiwaan-gelintaas ay diideen ururradii siyaasadda ee ugu waaweynaa Puntland sida Mideeye iyo Horseed.

PUNTLAND POST