Col. Faysal Falaalug oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu xiriir la yeeshay Somaliland

Hoggaamiyaha jabhadda SSC Col. Faysal Falaalug ayaa cay iyo aflagaaddo ku tilmaamay wararka lagu qoray baraha bulshada ee sheegaya in uu xiriir la sameeyay Somaliland.

Falaalug ayaa sheegay in isaga iyo Somaliland waxa keliya oo dhex mari kara ay tahay xabbad islamarkaana aysan ka suuroobin in uu xiriir iyo wada-hadal ka yeesho maamulkaas.

” Adeerow arrintaas waa cay waana mu’aamaraad uu sameeyay cadowgii aanu dagaallamaynay. Cadowga SNM-na in aan xabbad ku kulanno waxaan ahayn igama suurowdo noloshayda” ayuu yiri Faysal Falaalug

Hoggaamiyaha SSC ayas sidoo kale Somaliland ku eedeeyay in ay faafinayaan warar been-abuur ah si kala shaki iyo mu’aamarad loo dhex dhigo kacdoonka shacbiga SSC.

Col. Falaalug ayaa dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in saraakiil ka tirsan Sirdoonka gaarka ah ee Puntland ay ku weheliyeen socdaalkiisi Laascaanood waxaana uu sheegay in aanu aqoon magacaas PIS.

PUNTLAND POST