Madaxweynaha Ruushka oo shaaciyay xabad-joojin saacado ah oo la xiriirta dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa si rasmi ah u shaaciyay xabbad-joojin ku aaddan dagaalka Ukraine oo socon doonta 36 saacadood.

Madaxweyne Putin ayaa ku amray ciidamadiisu in ay joojin weerarada ay ka wadaan Ukraine, inta lagu jiro fasaxa mad-habta Orthodox ee diinta Kiristaanka.

Dad badan oo haysta diinta masiixiga gaar ahaan Orthodox oo qaarkood ay ku nool yihiin Ruushka iyo Ukraine ayaa maalmaha Jimcaha iyo Sabtida xusaya Diintooda.

Patriarch Kirill oo ah madaxa kiniisadda Orthodox ee ku taalla dalka Ruushka, si weyna u taageera duulaanka Putin ee Ukraine, ayaa maalinimadii Khamiista wuxuu labada dhinac ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan xilliga fasaxa ee diinta Kiristaanka.

PUNTLAND POST