
Agabka diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland oo xalay laga raray Garoowe ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso.
Gaadiidka sida Agabka diiwaan-gelinta oo shalay ka bixi lahaa Garoowe ayaa loo baajiyay sababa amni kadib markii ciidan hubaysan u galeen dalcadda Karin-dhiig oo qiyaastii 100km dhinaca bari ka xigta Garoowe.
Agabka diiwaan-gelinta ee xalay laga raray Garoowe ayaa lagu galbiyay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka sida ay wararku xaqiijinayaan.
Diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland ayaa sida qorshaysan bilaaban doonta shanta bisha Jannaayo ee sannadka cusub 2023 oo maalmo kooban ka harsan yihiin.
PUNTLAND POST