Ilhan Cumar oo maanta booqanaysa degmada ay ka soo jeedo ee Bander-bayla

Xildhibaan Ilhan Cumar oo safar ku joogta Puntland ayaa maanta booqanaysa degaanka ay ka soo jeedo.

Marwo Ilhan ayaa lagu wadaa in ay booqato degmada taariikhiga ah ee Bander-bayla oo dhacda xeebta badweynta Hindiya.

Xildhibaanka ayaa xalay ku hoyatay magaalada Qardho halkaas oo loogu sameeyay soo dhawayn.

Xildhibaan Ilhan oo ka tirsan Baarlamanka Maraykanka ayaa markii u horraysay Puntland timid tan iyo intii ay xilkan qabatay.

PUNTLAND POST