Shaqaalaha ka hawlgala xarunta Gobolka Nugaal oo gunno la’aan ku dhacday

Shaqaalaha ka hawlgala xafiisyada Maamulka Gobolka Nugaal ayaa sida la xaqiijiyay gunnooyin la’aan ku dhacday.

Xogo hoose ayaa xaqiijinaya in dhammaan shaqaalaha ka hawlgala xarunta Gobolka Nugaal aysan wax gunnooyin ah qaadan bilihii u danbeeyay.

Lama oga weli cidda xannibtay gunnooyinkii shaqaalaha Gobolka Nugaal islamarkaana kama hadlin Maamulka Gobolka.

Shaqaalaha ayaa sidoo kale ka gaabsanaya in ay wax cabasho ah gudbiyaan cabsi ay ka qabaan in Shaqada laga eryo.

PUNTLAND POST