Khilaaf xooggan oo ka dhex taagan urur siyaasadeedka Shaqaalaha ee Puntland

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Shaqaalaha

Khilaaf xooggan ayaa weli ka dhex taagan urur siyaasadeedka Shaqaalaha ee Puntland.

Xubnihii as’aasay urur siyaasadeedkan ayaa laba garab noqday waxaana garab kasta sheeganayaa in uu isago saxan yahay.

Garab kamid ah ururkan ayaa lix ku noqday shan urur siyaasadeed oo heshiis la saxiixday madaxweynaha Puntland.

Garabkii kale ee ururka ayaa saxiixay baaq ay soo saareen urur siyaasadeedyo diiddan heshiiskaas.

Khilaafka urur siyaasadeedka Shaqaalaha ayaa marar kala duwan la isku dayay in la xalliyo balse weli laguma guulaysan.

PUNTLAND POST