Argentina oo u soo baxday kama dambeysta koobka adduunka

Xulka kubbadda cagta dalka Argentina ayaa u soo baxay kama dambeysta (final) koobka adduunka 2022 ee ka socda dalka Qatar, kaddib markii ay 3-0 ugu awood sheegteen xulka Croatia.

Hal gool oo Lionel Messi dhaliyay iyo labo uu dhaliyay Julian Alvarez ayay Argentina ku garaacday Croatia oo soo bandhigtay cayaar ka hoosaysa midii laga filayay.

Hoggaamiyaha xulka Argentina Lionel Messi oo 35 sano jir ah ayaa doonaya in uu markii ugu horreysay ku guuleysto koobka adduunka, ka hor inta uusan ka fariisan xulkiisa. Argentina waxay koobka adduunka horay ugu guulaysatay labo jeer oo kala ah 1978 iyo 1986.

Argentina ayaa 18 bishan kulanka kama dambeysta (final) koobka adduunka la cayaari doona midkood xulalka France iyo Morocco oo habeen dambe wada cayaaraha kulanka afar dhamaadka.

PUNTLAND POST