Morocco oo wacdaro ka dhigtay koobka adduunka ee ka socda Qatar

Morocco ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee Afrika ee abid gaara afar dhammaadka koobka adduunka, kaddib markii ay 1–0 ku garaaceen xulka Portugal.

Morocco waxaa guusha taariikhiga ah ka caawiyay ciyaaryahanka Y. En-Nesyri oo goosha dhaliyay daqiiqadii 42-aad ee qaybtii hore cayaarta.

Morocco ayaa casharka ay u dhigtay Portugal mid la mid ah horay ugu dhigtay xulka Spain oo ay ku raabtay wareegga 16-ka, waxaana xusid mudan in aan laga badin 5 kulan oo ay cayaareen koobka adduunka.

Morocco ayaa kulanka afar dhammaadka wajihidoonta midkood xulalka France iyo England oo caawa wada cayaaraya kulanka siddeed dhammaadka.

PUNTLAND POST