Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in uu maanta ka amba-baxo caasimadda Puntland ee Garoowe.
Madaxweyne Lafta Gareen oo Khamiistii soo gaaray Garoowe ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Kulanka oo si weyn loo xaddiday xogtiisa ayaa sida wararka xaqiijinayaan looga hadlay midaynta mowqifka Puntland iyo Koonfur Galbeed ee Arrimaha siyaasadda heer Federaal.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isna loo diray marti-qaad waxaana la sugaya in uu Todobaadkan Yimaado Garoowe.
PUNTLAND POST