
Midowga Afrika ayaa Ciidamada Soomaaliya ugu hambalyeeyay xoraynta degmada Aaden Yabaal ee Gobolka Shabeellada dhexe.
Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa Ciidamada dowladda iyo saaxiibadooda ku bogaadiyay xoraynta degmada Aaden Yabaal.
“Waxa aan bogaadineynaa geesiyaasheenna ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada oo howlgallada milatari ee soconaya ku muujyey in ay awood u leeyihiin in jab culus oo aan soo kabasho lahayn ay Al-Shabaab ku gaarsiiyaan godadkooda” ayui yiri Seyf.
Warka Midowga Afrika ayaa soo baxay wax yar kadib markii dowladda Soomaaaliya si rasmi ah u shaacisay in Al-shabaab laga xoreeyay degmada Aaden Yabaal islamarkaana ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda.
PUNTLAND POST