Wasiirada Puntland oo la sheegay in Taleefonada laga reebay Shirka Khamiis laha ee Maanta

Xubnaha Golaha Wasiirada Puntland oo ka qayb-galaya Shirka Khamiislaha ayaa dhammaantood Taleefonnada laga ururiyay sida aan xogta ku helnay.

” Dhammaan Wasiirada ayaa lagu amray in ay Taleefonnada reebaan ka hor inta aysan gelin Shirka waxaana laga ururiyay Taleefonnada” ayuu yiri qof goob-joog ahaa oo ku sugan Madaxtooyada Garoowe.

Qofkan oo diiday in magaciisa la xigto maadaama aanu ogolaansho u haysan la-hadalka Saxaafadda ayaa sheegay in aanu garanayn sababta Taleefonnada looga ururiyay Wasiirada.

Puntland Post waxay ku jirtaa raadinta xog dheeriya oo ku saabsan warkan oo aysan weli si madax-bannaan u xaqiijin.

PUNTLAND POST