Jeyte waa gar sheegtay, laakiin wax intaas ka weyn baa maqan!

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Cali Jayte, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan waa gar sheegtay, wuxuu dareemayaa in heerka uu soo gaaray haddii uu heli lahaa taageerrada uu u baahanyahay uu soo gabagabeyn Al-SHabaab, laakiin gartan mid baa ka horeysay, hadalkiisana wuxuu horseedayaa dhaqan uu cadowgeena rabay in layna gaarsiiyo oo ah oraahda uu Jeyte ka dhawaajiyay ee ah “Ninkii maanta innagu daawada berri waan ku daawaneynaa!”…Waa khatar arrintaas mana aha mid ka turjumeysa xaqiiqda dagaalka iyo sida wax u jiraan, maxaa yeelay dagaalka dhacay dagaal ma ahayn ka duwan kuwii horay loola geli jiray Al-SHabaab oo dabeecaddiisu ahayd in hadba maamullada iyo deegaammada ay ku duulaan ay iska dhiciyaan, mana jirin dowlad gurmata oo dagaallada Al-SHabaabka iyo deegaannada ka dhex dhaca gacan ka geysata, dagaalka Al-SHabaab iyo Hirshabeelana sida dadku markii hore u arkayeen marka aad qiimeyso ugama duwaneyn dagaalladii horay u soo dhacayay ee Al-SHabbaab iyo dhex mari jiray maamullada ama deegaannada kale.      

Jeyte, wuxu u mahad noqay Dowlad Deegaanka Soomaaliyeed (DDS) ee Itoobiya xoogga ku heysato, hiilka ay u sameysay oo uu ku ammaanay, kaasoo sida hadalkiisa ka muuqatay uu ka waayay walaalihiisa kale ee Soomaaliyeed, waa sax DDS gacan ayeey ka geysatay dagaalka gobolka Hiiraan ka socda ee Al-SHabaab lagula jiro, Waxayse su’aal ka taagntahay hiilkaas muxuu noqonayaa?!… Hiilka Galbeedka Siti ay tari weysay DDS ee ay Soomaaliya gudaheeda ka sameysay muxuu noqonayaa?!…Waxaa sharaxaad u baahan sharci ahaanshaha hiilkaas inta aan la gaarin hiil iyo hiil la’aan. Waxaa iyadana xusid mudan in ciidammada Liyu Booliiska DDS markii ay kooxda Al-SHabaab gashay xadka DDS ay soo galeen xudduudda Soomaaliya iyagoo waliba la arkiyay taliya ka mid ah ciidammadaas oo u dhaaranaya guddoomiyaha Cali Jayte si uu kibir ka muuqdo, kuna eedeynaya inuu ku fiirsaday duulaanka ay Al-SHabaab ku qaaday DDS, waxayna dad badan rumeysanyihiin hanjabaaddii taliyahaas inay qeyb muhiim ah ka ahayd waxyaabihii soo dedejiyay duullaankii uu qaaday Cali Jeyte, isagoo aan waliba cid kale la tashan oo ku dagaal galaya ciidamo loogu magac daray Macawisleey! sidaas oo kalana hiilka DDS uu isagana ku yimid inay wax ka ogaayeen dagaalka uu Jeyte ku qaaday SHabaabka!…

Dadka Soomaaliyeed badankood waxay rumeysanyihiin in dagaalka Al-SHabaab lagu qaaday uu ku yimid amar ka soo baxay xukuummada Xasan SHiikh Max’ud, waa sax madax-weynaha wuu amray dagaalkaas, hasa ahaatee ma ahayn markii ugu horeysay ee xukuummaddan iyo kuwii ka horeeyayba amar noocaas ah baxshaan, waxaa iyadana aan la macneyn kareyn dabeecado badan oo dagaalku ka muuqday, sida in kolba ay dagaalka iska soo galaan dalal shisheeye Drones-kooda iyadoo markaas la rumeysanyahay inay gacan ka geysanayaan dagaalka ay ciidammada dowladda ku qaadeen Al-SHabaab, waxayse Drone-kaas kaalintoodii ay ku soo dhammaatay maalin ama labo, taasoo dad badan ay u qaateen iney hubkooda dagaalka ku tijaabinayeen. Waxaa iyadan jiray safaro kedis ahaa oo madax-weynaha iyo ra’iisal wasaarah ku tageen dalka Itoobiya, oo sida la qiyaasayo ama wararka qaarkood sheegayaan inay la xiriireen arrimaha dagaalka oo sida hadda muuqato aan wali la aqoon qorshaha ay dowladda u diyaarisay sidii uu natiijo wanaagsan uu ugu dhammaan lahaa ama looga gaari lahaa!….

Dabeecadda khatarta ahayd ee dagaalka Al-SHabaab ka dhex muuqatay waxay ahayd ballan qaadyadii lacagtii abaal marinta ahayd ama uu bixiyay guddoomiye Jayte!…taasoo runtii ahayd dhaqan aan sax ku ahayn dal gudihiisa ka dagaalamaya dagaal labo saf ah, oo dad aan taba barneyn oo shacab ah ciidanku yahay, isla markaasna aan shakhsiyaad gaar ah oo magacyadooda iyo tilmaamahooda gaarka ah la yaqaan aan la beegsaneyn, in abaal marin noocaas ah lagu yabooho waxay ahayd tallaabo khatar weyn laga mudan karo oo ay wax kasta ka imaan karaan, lamana arag taariikhda abaal marin loogu yabooho bar-tilmaameed aan la aqoon oo iska furan. Marka aad fiiriso shuruudaha abaal marinta lagu yaboohayo, waxaa ugu horeeya in qofka ama tirada dadka abaal marinta lagu bixinayo ay yihiin kuwo la yaqaan, oo ay maxkammad ay soo oggolaatay, oo aad looga fekeray khatarta ka imaan karta sida; in dad kale lagu khaldamo, ama ay horseedo iney ganacsi ahaan dadka u fahmaan!..mana jirin awood sharci oo Guddoomiya Cali Jeyte uu yaboohaas ku sameyn karo, waxaana awooddas lahaa maxkamadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxayna ahayd in maxkammadda Hirshabeelle ay ka joojiso tallaabadaas, haddii ay joojin weysana ay soo faro geliso maxkamadda sare ee dalka!

Hiilka DDS?!…Allow yaa run ka sheega!…run ahaantii waa hiil aan dhuunta mareyn…hiilka ay Galbeedka Siti ka weysay DDS ee Hiiraan soo gaaray waxaa fahmi kara kuwa ku hoos nool gumeysiga Itoobiya!…Waxaa cajiib leh sida uu hiilka ku yimid, si aan qofna lagala tashan, dalku dowlad buu leeyahay, xudduud buu leeyahay, waa dal xor ah, cid wax la soo ogeysiiyay ma jirto, bal adigu malee, haa haddii uu Farmaajo madax-weyne yahay!…Haa!… wax la fahmi karo ayeey ahaan lahayd inay iska soo galaan. Xasan SHiikh oo madax-weynihii dalka ah hiil kama codsan, lamana weydiisan isaga iyo xukuummadiisa midna amar dalka lagu soo galo! Mahadda uu guddoomiya Cali Jeyte u celiyay DDS dowladda Soomaaliyeed lagama hayo!… waxa socdaa iyo nidaamka ay ku socdaan ma aha mid la fahmi karo, keliya waxaa hubaal ah Jeyte inuu galay dagaal uu Xasan ku dhawaaqay, waliba isagoon amar dowladeed u haysan, hasa yeeshee nasiib wanaag dowladdii ay ku raacday shacabka dhibaateysnaana ay la qaateen!…Jeyte aad buu u nasiib badanyahay, hiil weyn buu helay marka la garab dhigo meelaha kale. Waa sax dagaal toos ah oo baaxaddiisa leh buu ku qaaday Al-SHabaab, laakiin taas macnaheeda ma aha dagaalka Al-SHabaab inuu maanta bilowday ama keligiis uu galay, waana dagaal sideey kooxdaas u soo baxday dalka ka socday, oo marka uu maalmo joogsado ama meel ka istaago meel kale oo dalka ka mid ah ka socday!

DDS taageerrada ay siisay reer Hiiraan, iyo dagaalka ay hadda wali kaga jirto gobolka Bakool waa qorshe gaar u ah Itoobiya, mana aha mid ka socda DDS, waana mid la mid ah kii ay Itoobiya ku soo gashay gobolka Gedo 1996kii walina ay ku joogto. Waxaa iyadana is weyddiin mudan xukuummadda Xasan iyo Xamsa oo iyagana hor taala ineysan qaadan wixii uu qaatay Farmaajo, oo aysan dhicin in Abiy Axmed saaxiibnimo iyo xiriir lala yeesho iyadoo uu Canfarta ku soo hubeynayo shacabka Galbeedka Siti ku dhaqan, ama gobollada Soomaaliyeed looga soo duulayo gobolka Oromia!…Mustafa Cag-Jar, waxaa shaki la’aan ah inuu eedda wax ku yeelanayo marka ay timaado hiil xummada ku dhacday magaalooyinka; Garbo-Ciise iyo Candhufa…ama guud ahaanba gobolka Galbeedka Siti.

Dagaallada Al-SHabaab lagula jiro waxay ku salaysanyihiin siyaasad iyo istaraatiijiyad dalal shisheeye, middaasoo gun dhigeedu noqonayo fulinta danta cadowga Soomaaliyeed, ujeeddadeeduna tahay in colaad aan dhammaad lahayn uu dalka ku jiro, laguna burburiyo aayaha ummadda, laguna sharciyeeyo sii joogitaanka ciidammada shisheeyaha ah iyo wax kasta oo sida aan ku baranay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay ku boobi kareyso kheyraadka dalka. Waxaa iyadana khaladka u weyn ee la galay ahaa in markii u horeysay xallinta ama wax ka qabashada arrimaha Al-SHabaab ay xukuumadihii Soomaaliya ee is bedelayay u daba fariisteen dowladaha shisheeyaha ah, taasoo  irriddaha u furtay istaraatiijiyad cusub oo sir-doonkii dalalkii cadowga ahaa ay xiriir kaga sameysteen Al-SHabaab…

Cali Jeyte, sida ay la ahayd waa gar sheegtay, marka dhab loo hadlana waa loo hiiliyay oo ciidammadii dalka baa u soo gurmmaday mana jirin wax hagar ah, wax kasta oo uu tebeyna eed sheegashada guddoomiye Jeyte waxay fasiraad cad ka bixineysaa inuu dareemayo wax intaas ka weyn oo maqan, taasoo ah; Qaranimmadii, iyo lahaanshihii talada dalka! hasa yeeshee waxaan meesha ku jirin oraahdiisa “Ninkii maanta innagu daawada berri waan ku daawaneynaa!”… waxaana marqaati loo wada yahay in loo gurmmaday Jeyte, oraahdaasna ma ahayn mid ku habooneyd inay ku dhacdo dhegaha dhallin-yaro jiidaha hore ee dagaalka ku jira iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kaasoo dhibane ku ah xaallad kasta oo uu ku suganyahay iyo meel kasta oo uu dalka ka joogaba! Waxaana talo wanaagsan ah in dhallin yarda ciidanka qaranka Soomaaliyeed ka tirsan ama kuwa Macawisleyda ah ee dagaalka u taagan aan loogu khudbeyn hadallada noocaas ah, waxa loo socdana waa dhismaha ciidan qaran, iyo isu keenidda xoogga ummadda.DHanka kale; dowladda Soomaaliyeed waa iney qiimeyn ku sameyso kana baaraan degto wadiiqooyin kale oo barbar socda dagaalka Al-SHabaab ay ku qaadday una bareerto talo madax bannaan inay ku wajahdo xal ka gaaridda arrimaha ururka Al-SHabaab!…Waa in dowladdu si daah-furan ugu dhawaaqdo xabbad- joojin iyo wada hadal, dowladdu waa iney dhistaa oo diyaarisaa habkii iyo sidii xiriir loola yeelan lahaa Al-SHabaab…waa iney ka fekertaa sidii loo dhisi lahaa kalsooni dhiiri gelin karta in Al-SHabaab ay aaminto inay wada hadal la furi kareyso dowladda. Waxaa shaki la’aan ah in la soo gaaray heer lama huraan ay tahay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu arko khatarta ay wajahayaan dadkiisa iyo dalkiisa,…Al-Itixaad waxaa loo aqoonsanaa argagixiso, gobollada qaarkood dagaal baa lagula galay, laakiin xalku wuxuu ku yimid si wada jir ah iyo talo si simman loo wada qaatay iyadoo wali ay dalalka qaar ku adkeysanayaan in ururuka Al-Itixaad uu yahay argagixiso, waxaana hubaal ah haddii aysan Al-SHabaab imaan lahayn in dalalka shisheeyaha ah wali ilaa iyo maanta ay Al-Itixaad u aqoonsanaan lahaayeen argagixiso!…Waxaa iyadana dhinaceeda Al-SHabaab loo bahanyahay inay indhaha kala qaado oo ay joojiso dagaalka iyo qaraxyada salfaday nolosha dadkii, isla markaasna ay la timaado siyaasad kale oo ka duwan midda ay hadda ku dhaqanto kana qeyb qaadato nabad-gelyada iyo dib u dhiska qaranimmada iyo midnimmada dadka Soomaaliyeed…