Mas’uuliyiinta magaalada Hobyo ee Galmudug ayaa laga soo xigtay in ay soo badbaadiyeen 20 qof oo u kala dhashay Pakistan iyo Iran oo sheegay inay ahaayeen kalluumaysato laga qabtay xeebaha Soomaaliya sida ay ku warrantay VOA-da.
Labaatanka qof oo dhammaantood rag ah ayaa u sheegay mas’uuliyiinta amniga inay horey u qabteen Al-Shabaab kadibna ay soo daayeen. Dadkan ayaa laga qabtay inta u dhaxaysa Hobyo iyo Xaradheere xalay.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay inay dadkan la kala socdeen laba doonyood, isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii loogu gacangelin lahaa waddamadii ay u kala dhasheen.
Hawlgalka lagu soo badbaadiyey dadkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow degaanka Ceel-Huur.
PUNTLAND POST