Sacuudiga oo wacdaro ka dhigay koobka adduunka

Xulka Sacuudiga ayaa 2-1 soo laabasho ah ugu adkaaday xulka Argentina oo ka mid ah xulalka loo saadaalinayay koobka adduunka 2022.

Argentina ayaa ciyaarta hoggaaminaysa qaybtii hore, markii uu gool riigoore ah u dhaliyay kobtankooda Lionel Messi, ciyaarta oo socota 10 daqiiqo, waxaana qaybta hore ciyaarta in badan maamulaysay Argentina.

Balse ciyaarta ayaa is baddeshay qaybtii dambe markii labo gool oo cajiib ah ay Sacuudiga u keeneen xidigaha Saleh Al-Shehri iyo S. Al Dawsari, taas oo soo afjartay guuldarro la’aantii xulka Argentina ee tan iyo 2019.

Guusha Sacuudiga waxay ahayd guushii ugu horaysay ee xul ka socda bariga dhexe ay ka gaaraan koobka adduunka, kaas oo aan horay u martigelin. Dalka Qatar oo ah martigeliyaha ayaa Axadii waxa uu guuldaro kala kulmay xulka Ecuador, halka Isniintii shalay Iran ka adkaaday Ingiriiska.

Xulalka Mexico iyo Poland ayaa ah xulalka kale ee marka laga reebo Argentina iyo Sacuudiga ku jira Group C.

PUNTLAND POST