Duullaankii lagu qaaday Al-shabaab ee ka socday Gobollada bartamaha Soomaaliya ayaa istaagay maalmihii u danbeeyay.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dib uga baxay degaanno kala duwan oo laga qabsaday kooxaha Al-shabaab.
Saraakiisha qaarkood ayaa laga soo xigtay in Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka uu bixiyay amarka dib looga baxay degaannadii laga saaray kooxaha Argagixisada ah.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa dib u qabsaday dhammaan degaannadii horay looga saaray balse Ciidamadu ka soo laabteen.
PUNTLAND POST