Qaramada Midooba ayaa shaacisay in malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ay wajahayaan macaluul iyo gaajo ba’an kadib markii ay dalka ka dhacday abaartii ugu darnayd mudda ku siman 40 sano.
Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in nus milyan carruur ah oo ka yar 5 sano ay halis ugu jiraan in ay Soomaaliya ku dhintaan bartamaha sanadka soo socda.
Ku dhowaad kala bar dadka ku nool Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa soo wajahday gaajo daran sid ay sheegtay Qaramada Midoobay.
In ka badan 5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shanta sano ayay sidoo kale Qaramada Midoobay sheegtay in ay hayso nafaqo-darro baahan.
PUNTLAND POST