Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay dalkeeda ka mamnuucday muwaadiniin u dhashay waddanka Maraykanka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in ay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah in ay soo galaan Ruushka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in shakhsiyaadka ay mamnuucday ay ku jiraan madaxweyne Biden walaalihiis, kuwaas oo kala ah Valerie Biden Owens, James Brian Biden iyo Francis William Biden.
Waxaa sidoo kale ku jira liiska cunaqabateyntan la saaray xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre.
Cunaqabateyntan ayaa jawaab u ah mid hore oo Washington ay kusoo rogtay shakhsiyaad Ruush ah.
PUNTLAND POST