
Dabley hubaysan ayaa xalay Muqdisho ku dilay imaam masjid oo caan ka ahaa magaalada sida laga soo xigtay goob-joogayaal.
Sheikh Cabdicasiis Maxamed Xirsi oo imaam ka ahaa mid kamid ah masaajidda Muqdisho ayaa lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Dharkaynley.
Goob-joogayaal ayaa ku warramay in rag bistoolado ku hubaysan ay marxuumka toogteen kadiba goobta isaga carareen.
Laamaha Amniga Muqdisho ayaa baaris ka sameeyay goobta uu ka dhacay dilkaas oo aysan jirin Weli cid mas’uuliyaddiisa sheegatay.
PUNTLAND POST