Guddiga KMG doorashooyinka Puntland oo dhowaan shaacinaya seejooyin lagu muransanyahay

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa isu diyaarinaya in ay shaaciyaan goobaha seejoojinka cod-bixinta loo asteeyay ee doorashooyinka lagu muransan yahay.

Guddiga TPEC ayaa seejooyinka cod-bixinta ku saleeyay shaxdii soohdimaynta degmooyinka ee muranka xooggan dhalisay taas oo ay diyaarisay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Shaxda soohdimaynta degnooyinka oo dowladdu xaqiijisay in ay samaysay ayaa buuq iyo jaah-wareer abuurtay kadib markii lagu faafiyay baraha bulshada.

Beelaha reer Puntland qaarkood oo warbaahinta ka hadlay ayaa si adag uga horyimid soohdimayntaas ay ku tilmaameen mid isku dhacyo abuuraysa.

Dhinaca kale guddiga TPEC ayaa doonaya in ay 25-ka bishan November ay daah-furaan diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha ee doorashooyinkan aan heshiiska lagu ahayn.

PUNTLAND POST