Sidee u dhacay isku aadka wareega 16-ka ee tartanka kooxaha Yurub?

Sida isku aadku u dhacay

Magaalada Nyon ee dalka Switzerland waxaa maanta oo isniin ah ka dhacay isku aadka wareega 16-ka tartanka kooxaha horyaalada qaarada Yurub ee UEFA Champions League, waxaa isku dhacay kooxo waaweyn oo ay ka dhexeeyaan xafiiltan iyo colaad guun ah.

Kooxda difaacanaysa tartankan ee Real Madrid oo wadata xidiga ugu laacibsan dunida ee Karim Benzema ayaa ku dhacday kooxdii ay kaga guuleystay tarkanka sanadkii hore ee Liverpool, halka kooxda reer Faransiis ee PSG ay ku aaday kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich, waxaana kulanka kale ee ugu xiisaha badan tartanka.

Kooxda reer England ee Chelsea ayaa ku aaday kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund, halka Manchester City ay ku aaday kooxda kale ee reer Jarmal ee RB Leipzig oo ah koox sakhiran.

Sidoo kale kooxaha AC Milan iyo Tottenham ayaa isku aaday, halka ay isku aadeen kooxda Inter iyo kooxda reer Burtuqiiska ee FC Porto. Kooxda Napoli ayaa iyaduna waxay ku aaday kooxda Eintracht Frankfurt oo ka socota Jarmalka, halka kooxda Club Brugge oo Belgium ka socota ku aaday kooxda Benfica oo ka socota Burtuqiiska.

Kulamada lugta koowaad ee wareega 16-ka ayaa la ciyaari doonaa 14-15 iyo 21-22 bisha February 2023, halka lugta labaad la ciyaari doono 7-8 iyo 14–15 bisha March 2023.

Hoos ka arkhri isku aadka wareega 16 ee UCL

Leipzig (GER) vs Manchester City (ENG)
Club Brugge (BEL) vs Benfica (POR)
Liverpool (ENG) vs Real Madrid (ESP)
AC Milan (ITA) vs Tottenham Hotspur (ENG)
Frankfurt (GER) vs Napoli (ITA)
Dortmund (GER) vs Chelsea (ENG)
Inter (ITA) vs Porto (POR)
Paris Saint-Germain (FRA) vs Bayern (GER).

PUNTLAND POST