Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud

Af-hayeenka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya S/Guuto Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal saaka ka dhacay degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

Af-hayeenka ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadday fariisimaha Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin degaanka Qaayib.

Gen. Caanood ayaa tilmaamay in Al-shabaab dagaalkaas khasaare xooggan lagu gaarsiiyay islamarkaana ay mar dhow soo bandhigi doonaan khasaarihii kooxda la gaarsiiyay.

Qaayib ayaa kamid ah degaannadii u danbeeyay ee Gobolka Galgaduud ee Al-shabaab laga saaray oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo Daraawiishta Galmudug.

PUNTLAND POST