
Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari ayaa maanta booqday Furimaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ku leeyihiin duleedka gegmada Wisil
Wafdiga ayaa booqday Xeryaha Ciidamada Daraawiishta iyo kuwa Deegaanka ee Dagaalka kula jira Maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al shabaab waxaana ay ku bogaadiyeen Ciidamada difaaca shacabka.
Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa la kulmay Saraakiisha Daraawiishta, kuwa Deegaanka iyo maamulka degmada Wisil waxaana ay ka dhegaysteen baahiyaha ka jira degaanka.
Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa dagaal kula jira kooxaha Al-shabaab ee ku sugan Koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo Galmudug doonayso in gebi ahaanba laga saaro.
PUNTLAND POST