Ciidamada Macawisleey ee Gobolka Hiiraan ayaa saaka weerar qorshaysan ku qaaday fariisimo Al-shabaab ku leeyihiin degaannada Baarrey iyo Dhoqor oo koonfur ka xiga magaalada Beledweyne.
Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Macawisleey iyo malayshiyaadka Al-shabaab ayaa halkaas ka dhacay sida laga soo xigtay goob-joogayaal kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Macawisleey ay dhammaan la wareegeen farisiimihii dagaallamayaasha Al-shabaab ku lahaayeen tuulooyinka Baarrey iyo Dhoqor ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Macawisleey ayaa la sheegay in ay burburiyeen doonyo nooca yar yar ah oo malayshiyaadka Al-shabaab ugu xirnaa jiinka webi Shabeelle islamarkaana ay hadda ku sugan yihiin goobihii lagu dagaallamay.
PUNTLAND POST