Faahfaahinta qarax ismiidaamin ah oo Caawa ka dhacay Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay albaabka hore ee Xero lagu tababaro Ciidamada oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Qof is miidaamiyay ayaa sida wararku sheegayaan isku dhex-qarxiyey Xerada loo yaqaan NACNAC halkaas oo dhallinyaro badan safaf dheer ugu jirtay in ay qortaan Ciidamada si tababar loo siiyo.

In ka badan 10 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah ayaa sida la xaqiijiyay ku dhintay qaraxaas halka tiro kalena ku dhaawacmeen.

Laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin qaraxaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen malayshiyaadka Al-shabaab.

PUNTLAND POST