Qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa wada abaabul xooggan oo ku jihaysan arrima difaaca Gobollada SSC.
Wararku waxay sheegayaan in xildhibaannada abaabulka wada ay riixayaan in Baarlamanka Puntland ay qaraar adag ka soo saaraan xaaladda Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Xildhibaannada ayaa si gaar ah xoogga u saaray xaaladda Gobolka Sool oo degmadii u danbaysay ay dhowaan la wareegtay Somaliland.
Baarlamanka Puntland oo hadda fasax kooban ku maqan ayaa lagu wadaa in uu dib isu-gu soo laabto Isniinta soo socota.