
Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay Shirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkan oo uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa ka qayb-galaya dhamaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Ra’iisul wasaaraha dalka, ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Banaadir.
Shirka ayaa sida wararku sheegayaan, waxaa looga hadli doonaa dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Shabaab, xoojinta wada-shaqeynta dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, wax ka qaabshada arrimaha abaaraha iyo xallinta buuqa ka yimid arrimaha shidaalka.
PUNTLAND POST