Puntland oo xubin cusub loogu daray hay’adda Batroolka Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa xubin cusub loogu daray hay’adda Batroolka Soomaaliya SPA, sida ay caddaynayaan warar lagu kalsoon yahay.

Cabdullaahi Siciid Cabdullaahi Deni oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland ayaa xubin ka noqday hay’adda, kadib markii Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya heshiis hoose ka gaareen khilaafkii ka taagnaa Arrimaha Shidaalka.

5-tii bishii July 2021, xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in aysan gebi ahaanba aqoonsanayn hay’adda Batroolka u qaabilsan dowladda Soomaaliya ee Somali Petroleum Authority.

Wararku waxay sheegayaan, in hadda si hoose lagu xalliyay khilaafkii Arrimaha shidalka ee dowladda Federaalka iyo Puntland.

20-kii bishaan October, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dib u saxiixay Heshiiskii Arrimaha Shidaalka ee dowladda Soomaaliya horay ula saxiixatay Shirkadda Coastline Exploration.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay taageeray Heshiiskan oo uu horay u diiddanaa.

PUNTLAND POST